Skip to main content

Qisadii Nebi Muuse iyo Fircoon

QISADII NEBI MUUSE IYO FIRCOON

Waxan maanta is dul taagi doonaa haddii Rabbi inagu simo qisadii Nebi Muuse iyo Fircoon,waxaynu ka eegi doonaa saddex dhinac oo kala ah 1)dhalashadii Nebi Muuse. 2) Koriinkiisii iyo kaalingalkii waxyiga ka hor.3)Markii uu xambaaray waxyigii RABBI.Waxaynu ogsoonnahay in maanta oo ay taariikhda hijrigu tahay  10-MUXARAM ay tahay maalinkii Ilaahay Nebi Muuse gargaar iyo guul ugu hiiliyey ee uu uga hiiliyey kibraanigii weynaa ee fircoon.Haddaba fircoon iyo Nebi Muuse waxay ka soo kala jeedeen laba qabiil oo kala ahaa reer          Qibdi iyo reer bani Israa'iil,Fircoon wuxu ahaa nin ka tirsan qabiilka reer Qibdi halka Nebi Muuse ka so jeeday reer bani Israa'iil. Qabiilka reer Qibdi waxa uu caan ku ahaa Sixirka iyo faalka,Maalin maalmaha ka mida ayey faal dhigtay islaan reer qibdi ka tirsan waxayna fircoon ku tidhi"Fircoonow waxa reer bani Israa'iil ka dhalan doona wiil adiga ku dila". Fircoon maalinka ka dib waxa uu bilaabay in uu diyaariyo ciidan rag iyo dumar ka kooban oo uu amray in ay ka war hayaan dumarka reer bani israa'iil islaan kasta oo uur sidda wuxuna amar ku siiyey in la dilo wixii wiil ah gabdhahana la daayo si ay ugu shaqaystaan  يُذَبِّحُ أَبْنَاءَهُمْ وَيَسْتَحْيِي نِسَاءَهُمْ ۚ إِنَّهُ كَانَ مِنَ الْمُفْسِدِينَ. Sannadkan digreetada fircoon soo baxday waxa uur siday Nebi Muuse hooyadii, gaadh ayaa laga qabtay ka dib markii ay fooshii qabatay Muuse hooyadii waxa uu RABBI weyne caajis iyo daal galiyey kuwii ilaalinayey ka dib way umushay iyadoo werwersan oo ka  baqaysa in la dilo ilmaha yar,RABBI ayaa waxyi ugu waramay Nebi Muuse hooyadii waxaanu ALLE u sheegay 2 shay inay samayso,2 shayna iska ilawdo iyo 2 shayna RABBI wuu ugu bishaareeyey. وَأَوْحَيْنَا إِلَىٰ أُمِّ مُوسَىٰ أَنْ أَرْضِعِيهِ ۖ فَإِذَا خِفْتِ عَلَيْهِ فَأَلْقِيهِ فِي الْيَمِّ وَلَا تَخَافِي وَلَا تَحْزَنِي ۖ إِنَّا رَادُّوهُ إِلَيْكِ وَجَاعِلُوهُ مِنَ الْمُرْسَلِينَ. Haddaba 2da shay ee la amray waxay ahayeen ٰ أَنْ أَرْضِعِيهِ ۖ فَإِذَا خِفْتِ عَلَيْهِ فَأَلْقِيهِ فِي الْيَمِّ. Naaska jaqsii hadad ucabsatana badda ku rid. 2da shay ee laga reebayna  waxay ahaayeenوَلَا تَخَافِي وَلَا تَحْزَنِي . Ha cabsan hana murugoon.2da shay ee loogu bishaareyeyna waxay ahaayeen  إِنَّا رَادُّوهُ إِلَيْكِ وَجَاعِلُوهُ مِنَ الْمُرْسَلِينَ. Waanu kuu soo celin doonnaa waxaanan ka dhigo doonna RASUUL. Intaa ka dib waxay fulisay sidii la faray inay yeesho  Muuse ayey ku riday sanduuq ka dibna badda ayey ku tuurtay, Biyihii ayaa waday oo hordhigay qasrigii boqortooyada fircoon ka talinayey waxa la kulmay oo sanduuqii helay ciidamadii fircoon ka dib waxay isku qabteen aynu furno iyo maye aynu qasriga  gayno. Waxay isku raaceen in fircoon qasriga loogu geeyo markii fircoon furay ee uu arkay in uu wiil yar yahay waxa uu sidii caadada u ahayd amar ku bixiyey in ay kurka ka gooyaan, waxa se ka qabatay hawenaydiisii Aasiya oo ahayd mid qalbi naxariis badan,waxay ku tidhi " Wuu ina anfici doonaa waxan ka dhigan doonaa wiil aynu ku indha qabawsano" "وَقَالَتِ امْرَأَتُ فِرْعَوْنَ قُرَّتُ عَيْنٍ لِّي وَلَكَ ۖ لَا تَقْتُلُوهُ عَسَىٰ أَن يَنفَعَنَا أَوْ نَتَّخِذَهُ وَلَدًا   fircoon wuu yeelay taladeedii wuxu se raaciyey adi ayuu ku anfaci se aniga MAYA. Ka dib Fircoon wuxu u raadiyey cid naaska nuujisa Muuse oo ku qaadata mishahar aad u badan waxa la soo ururiyey dumarkii oo dhan kolba mid ayaa lagu duway naaskeeda waabu jaqi waayey midna, Ka dib muuse walaashii oo goobta joogtay ayaa ku tidhi "Ma idiin sheegaa islaan naaskeedu caano macaanyahay". فَقَالَتْ هَلْ أَدُلُّكُمْ عَلَىٰ أَهْلِ بَيْتٍ يَكْفُلُونَهُ لَكُمْ وَهُمْ لَهُ نَاصِحُونَ fircoon wuxu yidhi HAA la kaalay. Gabadhii yareyd waxay doontay hooyadeed way keentay waa loo dhiibay waabu ku dhegay naaskii hooyadii.Fircoon waxa uu ku yidhi sheego gurigaad doonto waa laguu dhisi sido kalena sheego lacagtaad doonto waa lagu siin, Waxa loo dhisay qasri weyn waxay sido kale noqotay qofka 2aad ee ugu mishaharka badan fircoon ayunba ka lacag badnaa. Intaa ka dib Muuse wuu yar koray maalin maalmaha ka mida ayaa waxa dhacday in uu fircoon gadhka qabtay ka dibna fircoon damcay in uu dilo,Aasiya oo ahayd xaaskiisa ayaa ka hor istaagtay mar labaad waxanay ku tidhi ma ilmahan sebiga ahbaad leedahay waan dili bal halkaa u dhig dhimbil dab ah iyo timir midkooda uu qaato. Nebi Muuse wuxu u gurguurtay dhankii timirta malakul Jibriil ayaa se ka leexiyey ka dibna wuxu qaatay dhimbiishii wuxu ku riday afka. Fircoon ayaa yidhi "Aasiya runbaad sheegaysaa". Markay arini halkaa marayso Muuse wuu koray oo weynaaday, maalin maalmaha ka mida iyado dadku yar wada hurdaan lasees amin duhur ah ayuu muuse arkay laba nin oo midkood la garaacayo kan wax garaacayaa waa reer qibdi kan kalena waa reer bani Israa'iil waxa dhawaaqay kii la garaacayey "Waar muusow ninka iga qabo" muuse wuxu u dhaqaaqay dhankii labada nin wuu kala qabtay ka dib muuse waxa ka cadhaysiiyey ninkii reer qibdi muuse wuu feedhay ka dibna ninkii wuu dhintay. وَدَخَلَ الْمَدِينَةَ عَلَىٰ حِينِ غَفْلَةٍ مِّنْ أَهْلِهَا فَوَجَدَ فِيهَا رَجُلَيْنِ يَقْتَتِلَانِ هَٰذَا مِن شِيعَتِهِ وَهَٰذَا مِنْ عَدُوِّهِ ۖ فَاسْتَغَاثَهُ الَّذِي مِن شِيعَتِهِ عَلَى الَّذِي مِنْ عَدُوِّهِ فَوَكَزَهُ مُوسَىٰ فَقَضَىٰ عَلَيْهِ                                               
ka dibna muuse wuxu ninkii uu badbaadiyey kula dardaarmay inaanu sheegin. Ninka la dilay waxay ilma adeer ahaayen Fircoon waxa uu Fircoon ciidamadiisii amray inay soo baadhaan cidii ninkaa dishay baadhitaan dheer ka dib waa la waayey.waxa haddana maalin labaad dhacday sidii oo kale Muuse aya la kulmay isla kii oo la garaacayo oo uu garaacayo ninkii maalinkii hore dhintay walaalkii, wuxu ku canaantay adigu waxad tahay doqon xun قَالَ لَهُ مُوسَىٰ إِنَّكَ لَغَوِيٌّ مُّبِينٌ ka dib muuse isagoo gacan inu qaado doonayn ayu kala qabtay ninkii ayaa ku dhawaaqay" Muuse ma waxad doonaysaa inad sidii kii maalinkii hore disho" قَالَ يَا مُوسَىٰ أَتُرِيدُ أَن تَقْتُلَنِي كَمَا قَتَلْتَ نَفْسًا بِالْأَمْسِ ۖ. Kii wax garaacayey wuxu fahmay in muuse yahay ninkii dilay walaalkii,wuu cararay wuxu fircoon usoo sheegay in muuse dilay walaalkii, waxa loo soo diray ciidan si loo dilo muuse se waxa u yimi nin cararaya oo muuse war gelinaya qorshaha loo degay in uu dil yahay wuxu ku yidhi waan kuu nasteexynayaaye iska baxso Muusow وَجَاءَ رَجُلٌ مِّنْ أَقْصَى الْمَدِينَةِ يَسْعَىٰ قَالَ يَا مُوسَىٰ إِنَّ الْمَلَأَ يَأْتَمِرُونَ بِكَ لِيَقْتُلُوكَ فَاخْرُجْ إِنِّي لَكَ مِنَ النَّاصِحِينَ. Markuu warkaasi soo gaadhay muuse wuu baxsaday wuxu u kacay xagaa iyo degaankii reer MADYAN oo ahaa qoomkii Nebi Shucayb,wuxu tegay ceel ay reer Madyan ka cabi jiren wuxuna la kulmay laba gabdhood oo meesha taagan oon ceelka galayn e sugaya inta laga fulayo wuxu weydiiyey waxa ku dhacay, waxay ku yidhaahdeen waxanu xoolaha waraabsanaa marka laga fulo waayo cid rag ahi nalama socoto aabahayana waa oday weyn. Muuse ayaa ku degay ceelkii, ceelkana waxa shubayey 12 nin sida caadiga ah. Muuse keligii ayuu hablihii u waraabiyey xoolihii waanay ka fuleen ceelkii gelin horeba waxanay ku laabteen gurigoodii gabdhaha aabahood oo Nebi Shucayb ahaa aya ku yidhi aabe maanta horaad u soo fusheene yaa idiin soo waraabiyey xoolaha. Waxay gabdhihii u sheegeen ninkii, wuxu ku yidhi iigu yeedha aabo ninkaasi waxan doonayaa inan abaal marin siiyee. Mid gabdhihii ilma shacayb ka mida ayaa ku soo noqotay Muuse una sheegtay in aabaheed u yeedhayo si uu u abaal mariyo" فَجَاءَتْهُ إِحْدَاهُمَا تَمْشِي عَلَى اسْتِحْيَاءٍ قَالَتْ إِنَّ أَبِي يَدْعُوكَ لِيَجْزِيَكَ أَجْرَ مَا سَقَيْتَ لَنَ ". Muuse wuxu soo gaadhay gurigii shucayb wuxuna uga waramay sababta ka soo eriday degaan kii uu deganaa, فَلَمَّا جَاءَهُ وَقَصَّ عَلَيْهِ الْقَصَصَ . Bishaaro ayuu siiyey Shucayb Nebi Muuse wuxu ku yidhi          . قَالَ لَا تَخَفْ ۖ نَجَوْتَ مِنَ الْقَوْمِ الظَّالِمِينَIntaa ka dib gabadhihii shucayb oo mida yaa tidhi aabbo ninkan shaqaale inooga dhig iyadoo ku sifaynasa laba sifo oo aad u qaaliya waxayna tidhi waa nin Karti leh oo Aamin ah " قَالَتْ إِحْدَاهُمَا يَا أَبَتِ اسْتَأْجِرْهُ ۖ  إِنَّ خَيْرَ مَنِ اسْتَأْجَرْتَ الْقَوِيُّ الْأَمِينُ " Maxay ku ogaatay inu yahay nin Karti leh iyo inu yahay Aamin. Waxay ku ogaatay sidii uu ceelka ugu dhacay ee uu usoo waraabiyey adhiga iyo siday nafteedu uga magan gashay iyagoo labaduba dhalin yar ah. Nebi Shucayb halkaas ayuu heshiis kula galay Nebi muuse wuxuna ku yidhi waxan doonaya inan gabadh kuu guuriyo 8 sano oo meherka gabadha ahna ii shaqayso hadaad 10 sano iiga dhigtana adiga ayey agtaada tahay. قَالَ إِنِّي أُرِيدُ أَنْ أُنكِحَكَ إِحْدَى ابْنَتَيَّ هَاتَيْنِ عَلَىٰ أَن تَأْجُرَنِي ثَمَانِيَ حِجَجٍ ۖ فَإِنْ أَتْمَمْتَ عَشْرًا فَمِنْ عِندِكَ ۖ وَمَا أُرِيدُ أَنْ أَشُقَّ عَلَيْكَ ۚ سَتَجِدُنِي إِن شَاءَ اللَّهُ مِنَ الصَّالِحِينَ Muuse wuxu ku jawaaby 10 iyo 8 midkaan kuu shaqeeyo midna dhib uguma hayso قَالَ ذَٰلِكَ بَيْنِي وَبَيْنَكَ ۖ أَيَّمَا الْأَجَلَيْنِ قَضَيْتُ فَلَا عُدْوَانَ عَلَيَّ ۖ وَاللَّهُ عَلَىٰ مَا نَقُولُ وَكِيلٌ  Waxa loo guuriyey gabadhii isna wuxu u shaqeeyey 10 sano.
 LA SOCO QAYBTA 2aad
W/Q Xamse Maxamed Nuur

Comments

Popular posts from this blog

Kasmo

Aqoontu kaskay dhistaa Waxay korisaa garaad Kalsoonida way hagtaa Kashay ku habtaa wanaag Korkaanay ka muuqataa Qofkii kasbadee haleela Waxay kobcisaa hankiisa Kartida ma dishee ogow Waxay ku kartaa dulqaad Adoo kufayoo is dhiibay Kacbay ku tidhaa dedaal Xiskaaga bal kaasho oo Ku kaab cilmigoo dhaqaaq Ka kori fadhigoo socdaal Hurdada kabo oo ha jiifin Goob kastoy ahaatiyo kob kastood is leedahay Kaalmaha aqoontiyo Waa kacaanka garashada Kadinkeeda gaadhoo Kooraha jahliga tuur Kawnku wuu socdaayoo kolna joogsan maayee Kaftan yaanu kaa lumin wakhtigaaga koobane Inta kulanka geerida Cimrigaaga kuu dhiman Kallah oo dedaal badi Hana kaadsan maalmaha Karaamo waxad heshaa Intaad kawnkiyo waxyiga Aqoon ka korodhsatee Ku kab garashada tacliin Kobtu waa adduunyee Ha kor joogin adigoon Kaaf iyo watiin iyo Kaska gelin quraankoo Marna kaalintaadiyo Kartidaadu yey lumin Hana koobin yoolkaa Nafta inad kadeedaa Kol ahaan dadaashaa Nolol kaah iftiinliyo ...

Af soomaaliga

  AFKA SOOMAALIGA. Maanta oo kale taariikhdu, markay ku astaysantahay 21ka, bisha 2aad, sannad walba waxa la xusaa maalinta afka hooyo, oo dunida oo dhan dal kastaa u debaal dego; muhiimada afkiisa iyo qadarinta qiimaha afka dadkaasi ku ababay, ee isku af yaqaan, ahna waxa ka dhexeeya ee ay isku af gartaan, markii ay wada hadlayaan.  Muhiimadda afka kama geyoon karno, mana soo koobi karno;balse hadii aynu waxoogay iska dareensiinno, waxa inagu filan in Alle kor ahaaye inoogu gallad sheegtay afka, sida ku cad quraanka. Alraxmaan,4.  عَلَّمَهُ الْبَيَان. Wuxu Alle ina baray sida hadalka loo cadeeyo(aftahanimada) Sidoo kale jiritaanka Alle; tilmaamaha ama waxyaabaha ku tusinaya jiritaankiisa, waxa ka mida abuurida dhulka iyo samada iyo abuurka dad kala duwan muuqaalka iyo Afka. وَمِنْ ءَايَٰتِهِۦ خَلْقُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ وَٱخْتِلَٰفُ أَلْسِنَتِكُمْ وَأَلْوَٰنِكُمْ ۚ إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَءَايَٰتٍۢ لِّلْعَٰلِمِينَ. .Ibraahiim,4  Mar kale RABBI, isagoo ina tusinaya,...